26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xamza oo Laascaanood ka caddeeyay arrin cajiib ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta Barlamaanka SSC-Khaatumo ayaa caddeeyay in dadka deegaannada SSC ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in la xaqiijiyey horumar dhinacyo badan leh oo dhanka dowlad-dhiska iyo maamul-daadejinta ah, taas oo sababtay in maanta mashaaric badan laga hirgaliyo magaalada Laascaanood.

“Waxaan cadeynayaa in dadka deegaannada SSC-khaatumo ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan u baahannahay in la adkeeyo minimida iyo nabadda oo rukun adag u ah dowladnimda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan idinku adkeynayaa in aad nabadda u ilaalisaan sida aad Calankeenna u ilaaliseen, waxaan u baahannahay nabad, horumar iyo in la hirgaliyo doorashooyin madax-bannaan oo ka qabsoonta guud ahaan dalka, waxaan ballan-qaadayaa in Maamulka SSC-Khaatumo uu heli doono adeeg dowladeed oo dhamaystiran.”

Mudane Xamza ayaa sheegay in ay Maamulka SSC-Khaatumo iyo shacabka deegaanku ay heli doonnaan adeegyada hey’addaha dowlada ee muhiimka ah si loo daadajiyo maamulka dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa maanta dhagax dhigay mashaariic waaweyn oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda federaalka ay ka hirgelinayso deegaannada SSC.

Xamza ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka.

Si kastaba, booqashada Xamza ayaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood.

- Advertisement -

Read more

Local News