25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Xamza oo xilka ka qaaday Cabdullaahi Maxamed Nuur

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta u magacaabay Cali Yaasiin Gurbe, Agaasimaha Guud ee xarunta qaran ee kahor-tagga iyo la-dagaallanka fikirada xagjirka ee Tubsan, isagoo xilkii ka qaaday Cabdullaahi Maxamed Nuur oo horey u xayay xilkaan.

“Magacaabistan ayaa ka tarjumaysa sida ay xukuumadda Dan-Qaran mudnaanta u siinayso ciribtirka khataraha Khawaarijta iyo aragtiyaha gurracan ee halista ku ah midnimada iyo amniga Qaranka,” ayaa lagu yiri wareegtada magacaabista oo kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Agaasimaha cusub u rajeeynaya in uu dardar-geliyo howlaha muhiimka ah ee xarunta, si ay qeyb uga noqoto dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, laguna xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed.

Cali Gurbe ayaa beddelaya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo horey u hayay xilka agaasimaha xarunta qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ee Tubsan.

Magacaabistan kadib, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb-gali doono shirka 7-aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabanayo magaalada Yinchuan.

Shirkan uu ka qeyb-galayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga ganacsi, maalgashi, tiknoolojiyad iyo tamar.

Shirweynahan ayaa fursad u ah Soomaaliya, gaar ahaan ka qayb qaadashada horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dunida Carabta.

- Advertisement -

Read more

Local News