Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay waxa ay ka dhigan tahay billada hoggaamiyaha sanadka ee uu ku guuleystay guddoomiyaha shirkadda Hormuud, Axmed Maxamed Yuusuf.
Axmed ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee CXO of the Year, oo ay Africa Tech Festival ku abaal-mariso madaxda shikradaha Afrika, ee horumarro iyo guuplo waaweyn u horseeday shirkadaha ay hoggaamiyaan, kana qeyb-qaatay horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Afrika.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in billadda uu ku guuleystay Axmed ay tahay mid ay ku wada guuleysteen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.
“Muwaadin Soomaaliyeed in uu ku guuleysto abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka, waxa ay ifafaalo wanaagsan ka bixinaysaa horumarka Tiknaloojiyadda dalkeenna iyo hal abuurka dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Sidoo kale waxa uu yiri “Billadda uu ku guuleystay Guddoomiyaha Hormuud Telecom Xaaji Axmed Maxamuud Yuusuf ee hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ka shaqeeyey horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda dalalkooda waa mid ay ku wada guuleysteen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ee durafihii adkaa ku wajahay dhabar adayg iyo dadnimo.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu shirkadda Hormuud, hoggaan iyo howl-wadeenba ugu hambalyeeyay guushan taariikhiga ah, isagoo bogaadiyay doorka wanaagsan ee shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan horumarka dalka.
Guddoomiye Axmed Maxamuud ayaa Soomaaliya guul uga soo hooyay abaal-marintan oo ay kula tartameen madaxda shirkadaha Orange Egypt, Vodacom Group, Sasfin Bank, iyo African Bank.