Wararkii ugu dambeeyay furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee BF iyo arrinta Dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah uu si rasmi ah u furmo Kalfdhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, maadaama ay muddooyinkii ugu dambeeyay fasax ku maqnaayeen xildhibaanada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in daah-furo kalfadhigan, isaga oo khudbad xasaasi ah u jeedin doono xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah mid aad isha loogu wada hayo, waxaana horyaallo shaqooyin muhiim iyo shuruuc ay soo gudbisay xukuumadda Xamza.

Sidoo kale doodaha adag ee fadhigan waxaa kamid ah wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah oo ay ku howlan tahay Villa Somalia, lana filayo in xildhibaanadu ay go’aan ka gaaraan.

Qodobka ugu weyn ee isha lagu wada hayo ayaa ah nidaamka cusub ee loo guurayo oo ah madaxweyne iyo ku xigeen, sida uu horay u shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Karkarinta iyo diyaarinta qorshahan ayaa hadda si wyen u socda, waxaana dhaq-dhaqaaqiisa durbo bilaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo todobaadkii hore kulan u qabtay xildhibaanada maamulkiisa ku metala baarlamaanka labada Gole, isaga oo kala hadlay wax ka beddalka Dastuurka oo uu tilmaamay inay tahay arrimo culus oo muhiim ah.

Dhinaca kale waxaa arrintan kasoo horjeedo xubnaha mucaaradka oo hadda ay indhaha u furan yihiin, iyaguna waxa ay ku ballansan yihiin shir ay ku cadeynayaaan mowqifkooda.

Furitaanka kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli ay dalka ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay fatahaadaha.

Si kastaba, labada aqal ee baarlamaanka ayaa inta badan dajiya shuruucda dalka, waana halka laga jaangooyo goaanada waa weyn ee siyaasaddda dalka.