Sheekh Shariif iyo Rooble oo soo saaray war isku mid ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraallo ka soo saaray guushii ay maanta Soomaaliya ka gaartay ku biiridda daladda bulshada bariga Afrika.

Labada masuul ayaa aad u soo dhaweeyey guusha u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna tilmaameen fursadaha ku jira daladaan ee Soomaaliya hor yaalla.

Ugu hore Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dadaalkii soo billowday 2011 ee ku biirista Dallad Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“Waa guul u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed oo ay u sahlanaan doonto isu socodka wadamada ku mideysan dalladan,  ganacsiga iyo suuqa xorta ah maadaama dadkeennu ku wanaagsan yahay ganacsiga,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Waxaan u mahad celinaynaa dowladaha xubnaha ka ah EAC oo aqbalay codsigii dalkeenna Soomaaliya ee kamid noqoshada Dalladan Bulshada bariga Afrika,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraalkiisa ku yiri,

“Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika.”

“Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah.”

Qoraalka Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ka guul gaarista arrimaha harsan ee hortebinta u leh horumarka iyo hiigsiga dalkeenna oo ay ugu horreeyaan deyn cafinta oo heer gebogebo ah soo gaartay, la dagaallanka khawaarinta, qaadista xayiraadda hubka, gargaarka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah.”