Xamza oo soo gabagabeeyay booqashadiisii KENYA – Maxaa kasoo baxay?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, isaga oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Nairobi joogay muddadii u dhexeysay 6-da ilaa 11-ka May, isaga oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee dalka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha dalkaas William Ruto oo isagu u fidiyay casuumadda uu ku tegay Nairobi.

Inta uu Xamza joogay magaalada caasimada ah ee Nairobi wuxuu heshiisyo la gaaray dowladda Kenya, kuwaas oo ku saabsan dhinacyada; arrimaha dibedda, nabadgalyada, dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada iyo arrimaha adeegga bulshada.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay Ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas oo uu uga warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha ganacsi iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxa kale oo uu Kenya kula shiray Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

Soo laabashadiisa kahor wuxuu maanta booqasho ku tagey Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya, iyada oo ay halkaas ku soo dhaweeyeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda.

Safarkan ayaa noday kii ugu horreeyay eeuu ra’iisul wasaaruhu ku tegay Dalka Kenya, tan iyo markii xilkan loo magacaabay bishii June ee sanadkii 2022-kii.