Xamza oo tallaabo cusub u qaaday garsoorka dalka xilli aad looga deyrinayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah.

Dhismaha xarunta cusub ee garsoorka dalka ayaa la jaan-qaadeysa hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan hey’addaha garsoorka dalka.

Tallaabadan ayaa wuxuuu ku tilmaamay mid weyn oo loo qaadday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan hey’addaha caddaaladda dalka.

“Hirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaadday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis la’aan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa u intaas kusio daray “Tan waxay maanta ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka, iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.”

Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha garsoorka dalka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, wasiirka caddaaladda iyo dastuurka, xeer ilaaliyaha qaranka, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, guddoomiyaha racfaanka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hey’addaha caddaaladda dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka