Xanuun aan la aqoon waxa uu yahay oo dad badan kusoo ritay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Todobaadyadii lasoo dhaafay dadka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxay la jiifeyn xanuun aan la aqoon waxa uu yahay, oo dad badan oo xaqiijiyeen inuu ku dhacay.

Cudurkaan cusub ayaa ah mid shabaha hargabka inkastoo dadka uu ku dhacay cudurkaan ay sheegeyn inuu hargabka ka daran yahay, islamarkaana uu leeyahay madax xanuun aad u daran.

Cudurkaan ayaa ah mid ku cusub magaalada, wuxuuna yahay mid ay dadka isku gudbiyaan sida ay saxaafadda u sheegeyn qaar kamid ah dadkii uu ku dhacay cudurkaan.

“Waxaa magaalada maalmahaan ku faafay cudur xun, dadkii dhan Isbitaalada ayey la jiifaan, qaarkoodna guryaha ayey iska joogaan, waxaan dhaqaatiirta ka codsaneynaa inay cudurkaan baaraan islamarkaana ay waqti geliyaan,” ayey tiri gabaar la hadashay taleefishinka qaranka.

“Maalmahaan waxaa magaalka soo galay cudur xoogaa Garabka u eg oo dadka ay hadda la jiifaan, culeys ayuu ku hayaa magaaalada,” ayuu yiri qof kale oo ka hadlay telefishinka.

“Aniga ahaan cudurkaan wuu igu dhacay, seddex maalin ayuu i hayey, horey uma arkin xanuun noocaan oo kale ah, waxaan Allah uga baryayaa dadka uu cudurkaan ku dhacay inuu caafimaad deg deg ah siiyo,” ayuu yiri qof kamid ah dadka uu cudurkaan ku dhacay.

Dadka ka hadlay cudurkaan ayaa sheegay in caalamadihiisa ay kamid tahay qandho joogto iyo qufac xanuun wata.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya weli kama aysan hadlin cudurka cusub ee lagu arkay Magaalada Muqdisho.

Cudurkaan ayaa kusoo aadayo xilli uusan adduunyada weli ka dhammaan cudurka COVDI19, lamana xaqiijin karo haddii uu cudurkaan yahay COVID-19 oo soo rogaal celiyey iyo haddii uu yahay mid cusub.