Xariga Roobow oo saameyn xoogan ku yeeshay qorshe ay DF ‘ugu gacan geli lahayen’ saraakiil Al-Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay isagoo Musharax madaxweyne ah dabayaaqada sanadkii 2018-kii, xiligaas oo waqti kooban uu ka harsanaa doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo uu kamid ahaa musharaxiinta ugu saameynta culus.

Xariga Roobow ayaa horseeday in qalaalase amni ka dhaco Baydhabo oo xiligaasku jirtay doorasho, ayada oo kacdoonka ka dhashay xariga ay dowladda kula kacday uu sababay dhimasho iyo dhaawac hor leh.

Haddaba, xariga ay dowladda kula kacday Mukhtaar Roobow ayaa saameyn xoogan ku yeeshay fur-furkii Al-Shabaab iyo Saraakiil sarre oo ka tirsan oo suurta-gal ahaan laheyd inay dowladda isku soo dhiiban, sida uu sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka oo ka qeyb-galayay barnaamij lagu qabtay barta Twitter Space, ayaa sheegay in qaabka loola tacaalay Mukhtaar Roobow aysan sax aheyn, marka loo fiiriyo sharciyan.

“Dadka waa in la dhiiro-geliyaa, gaar ahaan kuwa Shabaab ka soo goosta. Mukhtaar Roobow waa la afduubtay, waxaana ku tilmaami karaa qof la soo afduubtay oo u xiran arrimo siyaasadeed umana xirno arrin amni,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in xariga Roobow uu curyaamiyay go’aannada laga yaabo inay qaataan saraakiisha sar-sare ee ka tirsan Al Shabaab, ee ku saabsan in dowladda ay isku soo dhiibaan.

Waxa uu dowladda federaalka ku eedeyay inay xirtay albaab muhiim u ahaa la-dagaalanka argagixisada, islamarkaana Saraakiil sarre oo ka tirsan Shabaab ay isagu soo dhiibi lahaayeen, sida u sheegay.

“Waxay gebi ahaanba xirtay (Dowladda) in Shabaab ay hoggaamiyeyaal kale ka yimaadaan. Arrinta xiridda Mukhtaar illaa iyo maanta waxay albaabka ka soo ooday dad muhiim ah oo hoggaamiyeyaal ah in Shabaabka ay dib uga soo noqdaan,” ayuu yiri.