Aqriso: Shan Arrimood oo Maayar Cabdikariim Axmed Mooge uu ballan-qaaday

Hargeysa (Caasimada Online – Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa shalay ugu dambeyntii Maayirka caasimada u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani, xilkaas oo maalmihii dambe si weyn la’isugu hayay.

Cabdikariin Mooge ayaa ahaa musharraxii ugu codadka badnaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanka Somaliland, gaar ahaan kuwii golayaasha deegaanka, wuxuuna helay codad kor u dhaafay 26-kun.

“Illaahay waxaan ka baryayaa in uu naga dhigo kuwo Kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya oo dadkooda u shaqeeya,” ayuu yiri duqa cusub oo la hadlay Wariyeyaasha kadib doorashada.

Cabdikariin Axmed Mooge oo si aqlabiyad leh ugu doorteen duqa Hargeysa xubnaha 17-ka ah ee golaha deegaanka ayaa waxa uu ballan-qaaday shan arrimood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ahaa;

  • Cadaaladda iyo Sinaanta Shacabka

Cabdikariin Mooge ayaa horeyntii markii la doortaykhubad uu jeediyay ku sheegay in shacabka magaalada Hargeysa ay u sinnaan doonaan, kuwii doortay iyo kuwa aan dooranba, isagoona ballan-qaaday in sinaanta iyo caddaalada uu xoojin doono, islamarkaana uu kor yeeli doono wada-noolaashaha reer Hargeysa-nimada.

  • Qurxinta bilicda Hargeysa

Cabdikariim ayaa sidoo kale ballan-qaaday inuu magaalada Hargeysa aad u qurxin doono oo uu bilicdeeda baddeli doono, taasi oo ugu yeeray magaalada cagaaran ee caasimada, wuxuuna xusay in uu hirgelin doono barnaamij dhir beeris ah, kaasi oo ah “qof iyo geed, Guri iyo geed.”

  • Biyaha, korontada, iskuullada iyo caafimaadka

Maayirka cusub ayaa waxaa ballan-qaadkiisa Saddexaad ahaa waxa ka qabashada dhibaatooyinka ka taagan biyaha iyo korontada, oo ay reer Hargeysa ku qabaan dhib weyn, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu ka shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in uu ka howl-gali doono sidii ay hooyada iyo ilmaheeda u heli lahaayeen xarun caafimaad oo aan gurigeeda ka fogeyn oo ay ka hesho caafimaadka aasaasiga ah oo bilaash ah.

  • Ilaalinta hantida shacabka iyo ku-celintooda

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa waxa kale oo ballan-qaadyadiisa ugu weyna ilaalinta hantida shacabka, ayada oo uu sheegay inay khasab tahay in la ilaaliyo hantida dadweynaha, islamarkaana la dhageysto dhawaaqa kasoo baxaya dadweynaha oo dib loogu celiyo canshuurtooda.

  • Kubadda cagta iyo ciyaaraha

Ballan-qaadka u dambeeya ee uu sameeyay Cabdikariin Mooge ayaa si gaar ah u taabanaya baahiyaha dhalinyarada, gaar ahaan dhanka Kubadda cagta oo ay dhalinyarada reer Hargeysa ku dhiban yihiin.

Waxa uu ballan-qaaday in maamulkiisa uu wax ka baddali doono garoomada kubadda cagta lagu dheelo iyo guud ahaan cayaaraha, oo hanaankeeda uu xiligan aad u liito.