Xog: Sababta dib u dhigtay in Rooble uu shaaciyo liiska guddiyada doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ilaa hadda aan si rasmi ah loo shaacin liiska guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaasi oo xubno kamid ah guddiyadaas laga keenay cabasho, ayada oo qaarkoodna la bedalay.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sheegay in dhawaan la shaacin doono liiska guddiyadaas, hase yeeshe si cad uma sheegin sababta ka dambeysa in ilaa hadda uusan si rasmi ah u shaacin.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in sababta u weyn ee dib u dhaca ku keentay in liiska guddiyada doorashooyinka uu shaaciyo ra’iisal wasaaraha ay tahay guux iyo tabasho weli ka taagan guddiyada doorashooyinka ee wax ka bedelka lagu saameeyay.

Waxaa taagan qeylo dhaanka iyo cabashada ay dhinacyada qaar ka qabaan Guddiyada Somaliland, Galmudug iyo xubno kamid ah Guddiyada HirShabelle, oo qeyb ka yihiin xubno ay saameysay eedeynta mucaaridka.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isku dayaya in ka hor inta uu shaacin liiska guddiyada doorashooyinka uu meesha ka saaro diidmo hor leh oo dhinacyada qaar kaga fal-celiyaan liiska, midaasi oo uga sii dari karta xaalada cakiran ee dalka.

Waxaa gebi ahaanba xafiiska Rooble loo gudbiyay xubnihii guddiyada doorashooyinka ee wax ka badalka lagu soo sameeyay oo ahaa 34 xubnood, islamarkaana hadda waxa harsan ay tahay kaliya in liiska guud uu shaaciyo xafiiskiisa, kadib marka si buuxda loo xaliyo cabashada taagan.