DF oo qaaday tallaabo dib loogu soo celinayo ‘heshiis ay hore u baabi’isey’

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ay dib ugu fasaxeyso dhamaan shirkadaha shatiyada loo siiyey inay shaqaalaha Soomaaliyeed u dhoofin karaan dibedda.

Wasiirka cusub ee shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda xil-gaarsiinta, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa qaaday tallaabadaas, kadib markii uu Wasiiru-dowlaha wasaaradda uu baabi’iyey heshiiskii hore loola galay shirkadahaas, ayada oo wasiirka uu markale dib usoo celiyay shalay.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiir Cabdiwahaab ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kadib markii ay saameyn dhaqaale ku yeelatay shirkadaha shatiyada u haysta shaqo-siinta dibedda iyo shaqaalihii loo dhoofin jirey dalka dibediisa.

Wasiirka ayaa xusay in soo celinta heshiiskan ee ay kal hore wasaaraddu laashay ku timid tixgelinta cabashada xoogsata Soomaaliyeed oo heysta ruqsad shaqo siin dibedeed iyo dal ku-galka (VISA) si ay ugu dhoofaan, ugana soo xoogsadaan dalalka ay kal hore ka heleen ogolaanshaha shaqo.

Go’aanka dib loogu furayo dhoofinta shaqaalaha dibedda ayaa imanaya iyada oo muddo bil ka hor uu Wasiiru-dowlaha wasaaradaas, Cabdi Axmed Qaasim uu baabi’iyey heshiiska shirkadaha, isla maalinkii xilka loo dhaariyey wasiirka cusub, taasi oo shaki badan uu xiligaas ka dhashay.

Si kastaba, Mas’uuliyiinta xukuumadda ayaa inta badan lagu eedeya inaysan ka madhneyn masaalix shaqsiyadeed heshiisyada ay la galayaan shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa kale ee ay saxiixan intaba.