AL-SHABAAB oo mar kale weerar ka fulisay Biyo Cadde

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay markale dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Biyo Cadde oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Xoogga dalka.

Weerarkan oo loo adeegsaday madaafiic ayaa xalay saq-dhexe ka dhacay halkaasi, sida ay u sheegeen Caasimada Online ilo dadka deegaanka ah.

Madaafiicda qaar ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen gudaha saldhig ay dagan yihiin ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacanta ku haya deegaanka Biyo Cadde ee Shabeelaha Dhexe, halka kuwa kalena ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin shacab.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi oo ay jawaab ka bixiyeen ciidamada dowladda ee ku sugan saldhigga la weeraray.

Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka ayaa howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo saaka ka bilaabay duleedka deegaankaasi oo marar badan ay soo weerareen xoogaga Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Shalay ayey aheyd markii kooxda Al-Shabaab ay weerar is-miidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari ka fulisay deegaanka Biyo Cadde, kaas oo uu dhaawac kasoo gaaray taliyaha Guutada 4-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Col. Saney Cabdulle.

Weeraradan ayaa ku soo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ay sare u qaadeen howl-gallada ay ka wadaan Shabeelooyinka oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.