Ganacsade SOOMAALI ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Cape Town (Caasimada Online) -Wararka naga soo gaaray dalka Koonfur Afrika ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaaliyeed oo sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan gudaha wadankaasi lagu toogtay gobolka Limpopo.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cali Kaariye ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeen goobtiisa ganacsi oo lu taalla gobolka Limpopo ee dalkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa in la dilay, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka, kadib.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse kama aysan hadlin dhacdadaasi.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan wajahay xaalado adag

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo boobka hantiyeed ee loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika.