Xarigga Naciimo iyo xariggii Samsam

Xarigga Naciima Qorane ee Hargaysa waxa uu dib u celinayaa xasuusteenna, waxa uu ina dul gaynayaa xabsiyada Hargaysa iyo xariggii naxariis darrada, xanuunka iyo amakaagga badnaa ee afar iyo toban gu ka hor isla magaaladaa loogu gaystay Gabadhii yarayd ee lix iyo toban jirka ahayd ee reer Boosaaso Samsam Axmed Ducaale.
Samasam bartamahii Ogos 2004 ayaa Hargaysa lagu xiray. Markii la qabtayba wax ay la kulantay tacadiyo iyo jirdil ay u gaysteen ilaalada Madaxweyne ku xigeenka Somaliland .
Samasam si lamid ah Naciimo muddo dheer ayay xukun la aan xirnayd. Kufsi jamaaci ah ayay kala kulantay dambi baarayaashii kiiskeeda hayay. Intay xirnayd wax ay la kulmaysay falal gurracan oo yaab iyo fajac badan. Jirdilka, kufsiga, ciqaabta iyo farriimihii adkaa ee xabsiga ka imaanayay wax ay soo jeediyeen indhaha Bulshada Soomaalida iyo kuwa dunida.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa shaqsiga ay u xirnayd iyo dowladdiisu wax ay ku guuldarraysteen in ay bulshada hor keenaan caddaymaha ay u hayaan eedda Samsam, si la mid ah midda Naciima. Waxaa la caburiyay oo cadow kalkaal lagu sheegay cid kasta oo ka hadasha xariggeeda iyo cid walba oo dareen diidda tacaddiyadii ku dhacayay.
Waxaa la xiray qareennadii u doodayay oo xukun seddex sano oo degdeg ah qoorta loo galiyay, waxaa la handaday bulshada rayidka ah, waxa la garaacay oo la xiray qaar ka mida udoodayaasha Xuquuqda aadanaha ee gudaha, waxaa la aamusiyay saxaafaddii gudaha, waxaa xabsiga dhexdiisa loogu geeyay garsoorihii maxkamadda si loogu cadaadiyo in ay eedda aqbasho oo loo xukumo, waxaana la diiday in baaritaan caafimaad oo madax bannaan lagu sameeyo. Waxaa oo dhan waxaa loo sameeyay si foolxumada dhacday la qariyo oo dowladda fadeexad looga fogeeyo. Taasi wax ay sii adkaysay kiiskeeda, waxayna ku sii dheeraysay xabsiga iyo cadaadiskii saarnaa. Shan bilood oo tacaddi nooc walba leh ka dib ayaa shan sano oo xabsi weyn ah loogu daray.
Samsam markay muddo xirnayd ayaa lagu sii daayay cadaadis ka yimi Hay’adaha xuquuqda aadanaha. Waxa ay ku laabatay halkii ay ka timi, dhibaatadii soo gaartay darteed waxa ku adkaatay in ay nolasha dib ula qabsato oo ay bulshada si caadi ah ugu dhex noolaato. Taasi wax ay keentay in ay dalkeeda ka hayaanto si ay u tagto meel aan laga ogayn wixii soo gaaray oo ay nolasheeda ka sii wadan karto, deggenaansho qalbiyeed iyo mid nafsiyadeedna ka heli karto. Dhab ahaan dhacdo yaab iyo amakaag leh ayay ahayd.
In kasta oo eedda Naciima ka dhawaaq duwanyahay tii Samsam, haddana nuxur ahaan iyo u jeeddo ahaan wax badan kuma kala duwana, wax ayna ka simanyihiin in xariggoodu yahay mid siyaasadeed oo Xamar la xiriira. Hargaysa nidaamkeeda maamul, sharciyeed, ka xuquuqeed, caddaaladeed iyo nidaamkeeda garsooreedba wali waxba iskama baddalin. Sidaa darteed akhlaaq ahaan iyo qaynuun ahaan ma jiro wax diidaya in Naciimo la mariyo jidkii Samsam la mariyay.
Waxa aan u rajaynayaa Naciimo in aanay la kulmin dhibaatadii ay la kulantay Samsam. in ay hesho xannaanada gabadhnimo iyo ta Soomaalinimo ee la duudsiiyay Samsam. Wax aan u rajaynayaa in ay Hargaysa ka hesho turaalihii iyo damqashadii ay ka wayday Samsam. Ma filayo in ay halkaa caddaalad ka helayso, waxa aanse u rajaynayaa in iyada oo nool oo nolasha rajo ka leh ay dib bulshadeeda ugu soo laabato.
Qof kasta oo xaaladda Samsam iyo siday ku dambaysa ogaa welwel badan ayuu ka muujinayaa xaaladda Naciima ku sugantahay iyo waxa ay ku dambayn doonto.
Faisal Hussein
Faisalyacni07@Gmail.com