Xarumihii keydka hubka Al-Shabaab ee gobolka Jubada Dhexe oo la weeraray

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen saldhigo ay lahaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Jubbada Dhexe.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka ay qaadeen howl-galladaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumaha Al-Shabaab ee Bu’aale, Saakow iyo Jilib ee isla gobolka Jubbada Dhexe.

Saldhigyada la wareeray ayaa sidoo kale waxaa ku jiray kaydka hubka kooxda, sida ay sheegtay dowladda oo aan weli si rasmi ah u faah-faahin khasaaraha howl-galkaan.

Warar horudhac ah ee laga helayo weerarada lagu qaaday goobahaasi ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab uu kasoo gaaray khasaare weyn, maadaama weerarka cirka qaarkood lagu eekeeyay xarumaha hubka kooxda ee ku yaalla halkaasi.

Duqeymaha dhanka cirka oo inta badan fuliyaan waddamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga, ayaa kaalin mug leh ka qaata dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo howl-galka socda ee dalka looga xoreynayo kooxda.

Maalmo kahor ayey aheyd markii duqeymo lagu beegsaday degaanka Shabeellow ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaasi oo kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen xarumo ay kasoo abaabulaan weerarada qorshaysan ee kooxda.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.