Xarumo ku yaala Somaliland oo lagu fidinayey ‘Diinta Kiristaanka’ oo la xidhay

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Guryo ku yaalay gudaha Somaliland oo lagu faafinayey Diinta Kiristaanka ayaa albaabada la iskugu dhuftay, sida ay sheegeen Guddiga Wanaag farista iyo Xumaan reebista Somaliland.

Goobahaasi oo tiradoodu dhameyd Sagaal Guri oo loo kireystay sidii gudaha Somaliland loogu faafin lahaa Diinta Kiristaanka ayey sheegeen Guddiga wanaag faristu inay ku guuleysteen inay albaabada iskugu dhuftaan oo ay xiraan.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu Somaliland ka masaafuriyay dadkii faafinayey Diinta Kiristaanka, iyagoona ka dhawaajiyey inay wax weyn ka qabteen dhaqamadii xumaa ee lidka ku ahaa Diinta Islaamka.

Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaa-reebista ee Somaliland ayaa maanta arrimahaasi shaaca ka qaaday, isla markaana kaga hadashay munaasibad ay gudaha magaalada Hargeysa ugu soo bandhigayeen aas-aaskii gudidaasi iyo waxqabadkoodii.

“Guddiga wanaag farista iyo Xumaan reebista waxa la gaadhsiiyey lixda Gobol ee Somaliland ka kooban tahay. Waxqabadkoodana waxa ka mid ah, 9 Guri oo Diinta Kiristaanka lagu faafinayey ayay xidheen, Dadkii wadayna (Faafinta Diinta Kiriistaankana) way mastaafuriyeen” ayuu yiri Sheekh Cali Maxamuud oo kamid ah Xubnaha Guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland.

Guddiga ayaa si rasmiya u shaacin magaalooyinka ay ku yaaleen sagaalkaasi guri, balse ku gaabsaday inay goobahaasi xireen, isla markaana ay mustaafuriyeen shaqsiyaadkii faafinayey Diinta Kiristanka.