Xildhibaan FIQI: “Lafta ku jirta hadalkii Laftagareen”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qorala uu soo dhigay facebook uga hadlay hadalkii muranka badan dhaliyey ee habeen hore uu Baydhaba ka jeediyey madaxweynaha Koonfura Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareenn. Hoos ka aqriso qoraalka.

Hadalkii saaxiibkay madaxweyne C/caziiz Laftagareen uu dadkii goobta fadhiyey ku weydiiyey “dad 11 qofood oo reer Koofur Galbeed ah oo Gaalkacyo lagu xasuuqey weligiin wax ka hadlaya ma aragteen? Qaarkoodna ugu jawaabeen “maya” oo aan hubo in qaar ka mid ah dadkaasi ay ka mid ahaayeen ergadii wada-xaajoodka halkaas u tagey! Guud ahaanba jumladaas sida uu u yiri xaqiiqda ayey ka fogeyd!

Marka koowaad ma jirin qof waxgarta oo reer Galmudug ah oo aan dhacdadaas foosha xumeyd ka hadlin, ka hadal kaliya kuma ekayne waxaan tagney goobtii wax ka dhaceen, ayadoo ay nala socdaan wafdi uu C/caziiz Laftagareen soo magacaabay iyo kuwo guddoomiyaha golaha shacabku uu magacaabay, waxaana fadhiyo qaatey qiyaastii laba todobaad ka dib laga garaabay falkaas, ka dibna si muuqata oo mug leh looga heshiiyey!

Qodobka labaad, dadka la diley 11 ma dhammeyn, mana wada ahayn reer koofur Galbeed, taasna waa qalad kale oo hadalka laftagareen uu xambaarsanaa!

Midda saddexaad waxaa la is-weydiin karaa sababta madaxweyne Laftagareen isugu xirey siyaasiinta reer Galmudug ee ka hadasha dalka waxa ka dhaca, tan aan is leeyahay waa ka gudbteyna ay tahay ka hadalka wixii ka dhacey Baydhabo sanadkii hore dabayaaqadiisii, ma wuxuu nagu eedeynayaa in siyaasiyiintaas ay ka danbeeyeen dilkaas? Ayana waa gef kale oo madaxweynaha hadalkiisii ku jirtey! Sida aan asaga loogu eedeyn karin danbiile ama argagixiye ka soo jeeda Koofur Galbeed fal uu geystey?

Tan kale wixii Baydhabo ka dhacey sanadkii hore ma siyaasiyiinta reer Galmudug kaliya ayaa ka hadley, mise waxa ugu horeeya dad reer Koofur Galbeed ah oo waxaa jira illaa iyo hadda hadlaya oo aan tabashadoodii la xallin, Qaramada midoobey miyaan ka hadlin iyo dad Soomaaliyeed oo badan oo ay la xumaatay arrintaas, mise Saaxiibkey Laftagareen oo ahaa nin deggan oo nabadoon ah wuxuu dirayey fariin madaxweyne farmaajo ku socota oo ah in siyaasiyiinta ay is hayeen asna uu colaad u hayo?, mise Madaxweyne Laftagareen hadalkiisu waxa uu damacsan yahay muqstaqbalka ayuu hordhac u ahaa! Mise naceyb ayuu ka dhex abuurayey dadka walaalaha ah ee reer Koofur galbeeed iyo Galmudug ka dib marka uu tusaale u soo qaatey dhacdo laga dawoobey?

Waxa ay ahaataba madaxweyne Laftagareen hadalkaas in uu cudurdaar ka bixiyo ayaa ila haboon! Arrimo la xalliyey oo aan dadaalkeeda qeyb ka aheyn ma ahayn in uu tusaale u soo qaato asagoo u duur-xulaya siyaasiyiin uu rabey in uu wax ka sheego!