Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta si lama filaan ah xil ka qaadis loogu sameeyay Maareeyihii Golaha Murtida Mudane Maxamed Abuukar Ma’da, waxaana xilkaas loo magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Ma’da loo yeeray xilli wasiirku uu safar u ahaa Sucuudiga si uu uga qeyb galo Shir ku saabsan Dalxiiska.
Sida ilo-wareedyadan oo ku dhow wasiir Maareeye, ay Caasimada Online u sheegeen, Maareyaha ayaa lagu wargaliyay in amarka madaxweyne Farmaajo lagu baddalay, wuxuuna uga tacsiyeeyay inuu isagu yahay shakhsi wanaagsan balse uusan waxba ka qaban karin.
“Madaxweynaha iyo Xafiiskiisa ayaa igu khasbay ee qof iimaan leh ayaa tahay, una qolmo xilkaan”, sidaa waxaa yiri Wasiir Maareeye oo ku maslaxayay Maareeyaha la casilay.
Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube oo haatan la magacaabay ayaa saaxiib dhaw la ahaa Madaxtooyada balse lama oga sida uu hawsha uga soo dhalaali karo maadaama caqabado badan ku hareeraysan yihiin shaqadiisa cusub.
Caasimadda Online weli ma helin xog ku saabsan inuu madaxweyne Farmaajo lahaa amarka lagu badalay Maareeyaha Waxaase la yaab noqotay in Wasiir Maareeye weerar ku qaado Madaxtooyada maadaama shaqo ka cayrinta iyo magacaabista labaduba ay yihiin shaqo wasiirka u taalla.
Hadalka Wasiir Maareeye uu u sheegay Maareeyihii xilka laga qaaday ayaa kusoo aadayo xilli la tuhunsan yahay in wasiir Maareeye uu ku jiro wasiirada kasoo horjeeda siyaasadda Madaxweynaha kuwaas oo si adag u diidan hannaanka doorashada ee uu riixayo Madaxweynaha.

