Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirkii wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka iyo maamul goleedyada xubnaha ka ah, kaas oo maanta uu magaaladaas ka daah furay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
War-saxaafadeed laga soo saaray shirkaas ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen sii xoojinta dib u habaynta nidaamka maaliyadda ee dalka iyo kobcinta dhaqaalaha.
Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, wasiirrada maaliyadda ee maamul goboleedyada dalka ka jira iyo xubno metalayey maamulka gobolka Banaadir ayaa iskugu tagay Kismaayo.
Waxuuna shirkan noqonayaa kii ugu horeeyey ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ku dhex mara magaalada Kismaayo, tan iyo markii dib loo doortay Axmed Madoobe.
Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay.



