Xasaasi: Diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka oo Korea-da Waqooyi…

Pyongyang (Caasimada Online) – Diyaaradaha wax duqeeya ee Maraykanka ayaa duulimaad ku sameeyay meel aad ugu dhaw xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi, si ay u muujiyaan in ay diyaar la yihiin tallaabooyin kale oo ay ku hor istaagi karaan halis kaste, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Maraykanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in duulimaadkaasi uu maray qaybta ugu fog dhanka Waqooyi ee ka caagan milatariga labada Kuuriya.

Waa markii koobaad ee diyaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay ay goobtaas marto qarnigan 21aad.

Xiisadda ku saabsan hubka Nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi ayaa dhawaanahan sare u sii kacaysay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa Qarammada Midoobay ka sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu ku jiro “hawlgal isqarxin ah”.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in duulimaadkaas uu hoosta ka xariiqay sida ay “dhab uga tahay” Maraykanka wax ka qabashada dabeecadaha taxadar la’aanta ah ee Kuuriyada Waqooyi.

“Waan u diyaargarawnay in aan adeegsanno awood milatari si aan u difaacno dhulka Maraykanka iyo dalalka xulafada la ah.

Duulimaadkan ayaa daba socday toddobaad ay haddalo kulul is waydaarsadeen labada hogaamiye ee Maraykanka iyo kan Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweyne Donald Trump ayaa gollaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ka sheegay in uu gabi ahaanbba burburin doono Kuuriyada Waqooyi haddii Maraykanka lagu qasbo in uu difaaco dhulkiisa ama dalalka ay xulafada yihiin

Trump Wuxuu sheegay in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu yahay “nin gantaal wata oo hawlgal is qarxin ah ku jira”.

Kim ayaa isaguna ku jawaabay in Trump aysan maskaxdiidsu fadhiyin.

Amin hore oo Sabtidii ah ayaa goobta ay Kuuriyada Waqooyi nukliyeerka ku tijaabiso laga dareemay dhulgariir uu cabirkiisu yahay 3.4, taas oo dhalisay cabsi ku saabsan in dalkaasi uu tijaabiyay nukliyeer kale. khuburada iyo qolyaha caalamiga ah ee la socda tijaabada hubka nukliyeerka ah ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in dhulgariirkaasi uu ahaa mid dabiici ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com