XASAN ABSHIR oo ka xog warramay wax yaabaha ay u tageen Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa shaley tagay xildhibaano ka kooban lix mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay in ay hordhac u yihiin xildhibaanno kale oo ka soo jeeda deegannada Puntland kuwaasoo uu yeeray madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku dhawaaqay in maamulkiisa uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka.

Xildhibaannada gaaray Garoowe ayaa ka yimid dhinaca Nairobi, waxaana ka mid ah Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf.

Markii ay gaareen magaalada si weyn ayaa loo soo dhaweeyay waxaana ay la kulmeen madaxweynaah Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxay sheegeen in horrey ay ugu qorsheesneed in ay yimaadaan Garoowe balse immaatinkooda uu soo dadajiyay baaqa ka soo baxay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo u hadlay xildhibaannada gaaray Puntland ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaabka loo soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in magaalada ay u yimaadeen sidii ay kulamo ula yeelan lahaayeen madaxda Puntland.

Wuxuu sheegay in ay sugayaan xildhibaannada kale iyo mas’uuliyiinta Puntland ugu jirta dowladda fedaraalka, wuxuuna carabka ku adkeeyay marka ay kulmaan iyaga iyo madaxda Puntland in ay shacabka reer Puntland u soo bandhigi doonaan wax yaabaha ay ka hadlaan.

30-kii bishii Julay ayey ahayd markii madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku dhawaaqay in maamulkiisa uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka Soomaaliya isagoona madaxda dowladda ku eedeeyay in jabiyeen dastuurka dalka u yaalla kaddib markii ay ka qeybgaleen heshiis la sheegay in maamul loo dhisaayo gobalada dhexe.

Madaxweyne Gaas intaas ugumu simin dowladda fedaraalka wuxuu yeertay dhamm aan xildhibaannada ka soo jeeda deegannada Puntland ee ku jirra baarlamaanka Soomaaliya iyo Caasho Geelle oo ka mid ah xubnaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka qabyada.

Puntland ayaa horrey dowladda Soomaaliya ugu eedeesay in ay ka dambeeso dilkii xildhibaannad Saado Cali Warsame iyo xildhibaanno horrey Muqdisho loogu dilay kuwaasoo ka soo jeeda deegannada Puntland.

Si kastaba, dad badan oo la socda arrimahan ayaa aaminsan in maamulka Puntland uu markasta caqabad ku yahay horumarka Soomaaliya, waayo madaxeynihii hore ee Faroole ayaa sidaas oo kale markasta wuxuu rabay in uu galaangal ku yeesho arrimaha Soomaaliya gaar ahaan maalmulada laga dhisaayo dalka.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin tallaabada ay qaaday Puntland, waxaana muuqata in uu jirro khilaaf labada dhinac ah in kastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Caasimada online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com