Jaamacadaha MUQDISHO oo faraqa is heysta (Maxaa la isugu dhegan yahay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan oo aan ka heleyno Maamulada Jaamacadaha Muqdisho, ayaa sheegaya in Khilaaf uu ka dhex taagan yahay Maamulada Jaamacadaha Magaalada Muqdisho.

Khilaafka ayaa waxa uu ka taagan yahay Jaamacadaha, gaar ahaan kuwa wadaaga magacyada oo iyagu isku eedeynaaya inay suuqa iska saarayaan.

Inta badan Jaamacadaha is heysta ayaa waxa ay  wadaagan Magaca, iyadoona ay kawada siman yihiin xarfaha hore ama kuwa dambe, kadib markii Koox waliba ay la baxeen magac kaasi oo baaritaano kadib ay yeelaneyso Jaamacad kale, halkaasina uu ka dhashay is qabqabsiga.

Haddaba Jaamacadaha isku magaca dhaw ee ka jira Magaalada Muqdisho kana dhexeeyo Khilaafka ayaa waxaa kamid ah:-

1-University of Somalia “UNISO” iyo Somali International University “SIU”.
2-Salaam University iyo Daaru Salaam University.
3-Jubba University iyo Juba University
4-Plasma University iyo Plasma Intarnational University
5-Mogadishu University iyo Mogadishu International Universty
6-Banaadir University iyo Banaadir International Universty iyo kuwo intaa ka badan oo iyaguna hawada kusoo jira.

Wasaarada Waxbarashada ayaa iyadu aan u firfircooneyn inay waxkabadesho Jilicsanaanta iyo howl yarida heysata, inkastoo ay Wasaaradu muujineyso howl karnimo hadana ma muuqato wadadii lagu xakameyn lahaa.

Dhanka kale, Waxaa xusid mudan in qaar kamid ah jaamacadahaan cusub oo badan kood ka goostay jaamacadaha ay isku magaca dhaw yihiin, waxaana badankood ay soo qaateen waraaqaha aqoonsiga Wasaarada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com