Maamulka gobalka Shabelle oo dagaal ka dhan ah Shabelle State iclaamiyey

Marka (Caasimada Online)-Maamulka gobalka Shabeellaha Hoose ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah maamulka Shabeelle State oo xarun ka dhigtay magaalada Marka.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasadda maamulka Shabeellaha Hoose, Cabdullaahi Muuse Abuukar oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda ay u digeen dhowr jeer maamulka Shabeelle State si ay u joojiyaan howllo carqalado ah oo ay ka wadaan gobalka.

Wuxuu sheegay in maamulka Shabeelle State wax ladho aaney ka shaqeyn karin gobalka Shabeellaha Hoose isla markaana uu yahay maamul ay dhisteen koox uu ugu yeeray dagaal oogayaal iyo guddoomiyaashii hore ee degmooyinka gobalka Banaadir.

Wuxuu sheegay oo kale in maamulkooda uu hoos iyo kor ula hadlay maamulka Shabeelle State si ay u joojiyaan dagaalka ay ka wadaan gobalkaas.

Wuxuu sheegay haddii ay joojin waayaan howlaha iyo fitnada ay la wareegayaan gobalka Shabeellaha Hoose in ay kala kulmi doonaan cawaaqib ay ka shalaayaan sidda uu hadalka u dhigay.

Maamulka Gobalka Shabeelle State oo ay ku jiraan guddoomiyaashii hore ee degmooyinka gobalka Banaadir ayaa hadda xarun ka dhigtay magaalada Marka, waxaana ay billaabeen in ay dhexgalaan bulshadda ku dhaqan gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com