Muqdisho oo maanta looga kacayo DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda abaabul Banaanbax ka dhan ah Dowlada Federaalka Somalia.

Banaanbaxyada ayaa la sheegayaa inay wadaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Siyaasiyiin iyagu kasoo horjeeda Xukuumada Madaxweyne Xassan Sheekh oo muddo yar ay uga harsan tahay Wakhtiga loogu talo galay.

Banaanbaxyada ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu salka ku haayo Dilalka Xildhibaanada, Arrimaha Badda Somalia iyo Heshiiska G/Dhex maalmo ka hor loogu sameeyay Villa Somalia.

Sidoo kale, Banaanbaxa ayaa waxaa la tilmaamayaa inay abaabulkiisu leeyihiin Siyaasiyiin dhaliilsan Hanaanka Dowlada ay ku xaqiijineyso Ammaanka, wallow warar aan la hubin ay xaqiijinayaan in Banaanbaxa ay hor boodayaan Maamulada iyagu qaadacay Heshiiska lagu mideynaayo Gobollada Dhexe.

Dhanka kale, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta banaanbaxa wada ayaa waxa ay durbaba bilaaben inay shacabka ka dhiiragaliyaan Warbaahinta iyagoo adeegsanaaya Erayo naceeb galinaaya shacabka si ay u kiciyaan dareenkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com