Xasan oo xil culus u magacaabaya wiil qaba gabar uu abti u yahay (Kuma?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu xil cusub u magacaabo agaasimihii hore ee Madaxtooyada Taabit Cabdi.

Taabit Cabdi ayaa waxa uu qabaa Gabar ay dhashay Madaxweynaha Walaashiisa oo lagu magacaabo Nuurto Sheekh Maxamuud, waxa uuna Madaxweyne Xasan wadaa qorsho uu Taabit Cabdi ugu magacaabayo Qunsulka Dowlada Federaalka Somalia u fadhin doono Dalka Mareykanka, iyadoona lala mataaneynaayo Danjire Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Warar hoose oo aan helnay waxa ay sheegayaan in Warqada Taabit Cabdi loogu magacaabi lahaa Qunsulka ay soo baxday, balse uu Madaxweynaha la kawsan doono Digreetooyin uu ku magacaabayo dhowr Safiiro Cusub oo iminka la xulay.

Taabit Cabdi waa Wiil da’yar, waxa uuna muddo kooban haayay Agaasimaha Madaxtooyada, iyadoona Xasan Sheekh uu xilka ka qaaday kadib markii Xilli habeen ah inta lagu guda jiray Bisha Ramadaan weerar lagu qaaday Madaxtooyada Somalia.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh, ayaa waxa uu isagu wadaa Qorsho cusub oo uu mar qura ku magacaabi doono illaa Todobo Safiir oo Dowlada wakiilo uga ahaan doono Safaaradaha Caalamka, iyagoona lagu buuxin doono boosas laga qaadi doono Safiiro kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com