DAL 68 xildhibaan ku dhex leh BFS oo shirqool la damacsan badda SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Suleymaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ah xildhibaanadii hore ee baarlamanka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday qatar dad badan aysan ka war-hayn oo ay badda Soomaaliya kala kulmeyso dowladda Norway oo gacan saar la leh Kenya.

Waxa uu sheegay in Norway ay baarlamanka Soomaaliya ku leedahay 68 xildhibaan oo haysta dhalashada waddankaasi, kuwaasi oo aan ka hor iman kara rabitaankeeda gurracan eek u aada badda Soomaaliya..

“30 kii June 2014 ee Sannadkaan ayaa dad Soomaaliyeed oo Wadaniyiin ah waxay heleen warqad uu Madaxweyne Xasan Shiikh uu u direy Qaramada Midoobey kaasoo uu ku dalbaneyey in Dowladiisu ay diyaar u tahay in ay Wada hadal la furto Dowlada Kenya ee ku saabsan Badda Soomaaliya , 21 July i ee aynu soo Dhaafney ayaa Madaxweyen Xasan Shiikh wuxuu qoraal u direy Qaramada midoobey, waxaan Ilaah ka rajeynayaa in aan helo Qoraalkaas oo maanta ogahay in wax badan lagu qarinayo” ayuu yiri Sulemaan.

“Bulshada Soomaaliyeed waa in ay isweydiisaa Sabaata uu Gudoomiyha Baarlamaanka Jawaari iyo ku Xigeenkiisa Mahad ay u joogaan dalka Norwey , waxaa Hubaal ah in Dowlada Norway ay dooneyso in Baaramaanka Soomaaliya ka dhaadhiciso in la soo nooleeyo heshiiskii aan hore u diidney , waxaa kaloo aan ummada Soomaaliyeed u sheegayaa in 68 Xildhibaan ee ka mid ah Baarlamaanka maanta jira ay heystaan Dhalashada Wadanka Norway sidoo kale waxaa Dhalashadaas haysta Gudoomiyha Baarlamaanka iyo mid ka mid ah ku Xigeenadiisa “ ayuu sii raaciyey Suleymaan.

“Waxaa ummada Soomaaliyeed usoo jeedinayaa gaar haan qaybha kala duwan ee Bulshada in ay ku Baraarugaan damaca Dowlada Norway iyo Shaqsiyaadka doonaya in ay ku Gacansiiyaan in la bixiyo ama la iibsado qayb ka md ah Badda Somaaliya soo kale waxaan u soo jeedinayaa qaybha kala duwan ee Warbaahinta in Bulshada u soo bandhigaan Damacaas lagu doonayo in lagu Fara Maroosado Badda Soomaaliya”

Sidoo kale aqri xog ku saabsan in warqaddii Xasan Sheekh ee badda ay qortay dowladda Norway

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com