XOG: Xasan oo xil cusub ku qancinaya taliyihii hore ee ciidamada booliiska

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in xil cusub lagu qancinayo taliyihii  hore ee ciidamada booliiska Soomaaliya, General Cabdi Xakiin Saacid.

Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu wado qorsho uu ku doonayo inuu Safiir ugu magacaabo Saacid.

Ilo wareedka ayaa waxa ay intaa kusii darayaan in Madaxweynaha uu Xilkaasi ku qancinaayo Saacid oo isagu diidanaa inuu wareejiyo  xilka Taliyenimo.

Waxaa la sheegay in Saacid safiir ahaan loogu diri doono mid ka mid ah dalalka carabta, hase yeeshee weli lama shaacin dalka uu noqonayo.

Magacaabista uu Madaxweynaha ku howlan yahay ayaa waxa uu barbar socdaa xilal kala duwan uu muddooyinkaani Madaxweynaha u magacaabayay Siyaasiyiin saaxiib dhow la ah, waxaana la tilmaamayaa in Saacid la magacaabayo marka uu Madaxweynaha dalka dib ugu soo laabto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com