GAAS : DF SOMALIA waxay isku dayday in ay burbirso jiritaanka PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markale weerar ku qaaday madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay isku dayeen in ay car qaladeeyaan jiritaanka Puntland sidda uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in tan iyo markii uu xafiiska qabtay billowgii sannadkan in maamulkiisa uu isku dayay in uu la shaqeeyo dowladda fedaraalka isla markaana uu isku soo dhaweeyo xiriirka labada dhinac.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan ka xumayn maamul loo dhiso gobalada dhexe balse dowlada fedaraalka looga baahan yahay in qaado dhabaha sharciga ah.

Wuxuu soo dhaweeyay xildhibaannada lixda ah ee shaley gaaray Garoowe kuwaasoo sheegay in ay soo ajiibeen baaqa ka soo yeeray madaxweynaha Puntland oo ahaa in ay ka soo qeybgalaan xildhibaannada baarlamaanka ee Puntland ka soo jeeda shirweyne looga hadlaayo masiirka Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu madaxweyne Gaas ugu baaqay in mas’uuliyiintakale ee jirra labada Golle ay ugu dambeesay Puntland ku yimaadaan 15-ka bishan August.

Wuxuu sheegay in Puntland ay muhiim u tahay dowladda fedaraalka Soomaaliya loona baahan yahay in arrintaas la ilaaliyo.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xildhibaannada ka soo jawaabay baaqiisa ee soo gaaray Garoowe isagoona kuwa kale ee ka maqan ka codsaday in ay ku soo xaroodaan 15-ka bishan oo ah xilliga loo iclaamiyay.

Wuxuu sheegay in xildhibaannadan ay kala hadli doonaan aaya-tiinka Puntland iyo masiirka iyo in ay la wadaagto Soomaaliya

Daba yaaqadii bishii July ayey ahayd markii madaxweynaha maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka isla markaana uu u yeeray xubnaha baarlamaanka uga jira dowladda federaalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com