XASAN SHEEKH iyo Maxamed Mursi oo isaga ekeeday arrimo dhowr ah (Aqri)

Cairo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud ayaa lagu eedeeyay in uu wado qorshe uu talada ku soo koobayo hal xisbi, waxaana lagu tilmaamay in ay isku siyaasad yihiin madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi.

Maxamed Mursi ayaa markii uu xilka qabtay wuxuu awooda dalka u gacan galiyay hal xisbi oo ahaa koowada walaalaha midoobay ee Ikhwaanul Muslimiinta, balse waxa uu kala kulmay mucaarad xooggan taasoo keentay aaqirkii in awooda laga tuuro xabsina loo taxaabo lagana mamnuuco dalka ururkiisa.

Haddaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billaabay in uu tallada dalka ku safo ururka Dam-jadiid ee uu ka tirsan yahay, waxaana muuqata inay arrintaas horseed u noqon karto kacdoon shacab si awooda dalka looga tuuro.

Xasan Sh & Mursi oo isaga ekeeday arrimo dhowr ah
Xasan Sh & Mursi oo isaga ekeeday arrimo dhowr ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xisbigiisa Dam-Jadiid ayaa hadda la wareegay awooda garsoorka, waxaana maxkamadda ciidamada qalaba sida loo magacaabay nin ka tirsan kooxdaas xiriirka la leh Ikhwaanul Muslimiinka.

Waxaa la lee yahay haddii arrintan uu sii wado madaxweynaha in uu halis ku jirro kursigiisa iyo in uu dhammeeto muddada afarta sanno ah.

Dad badan ayaa aaminsan in madaxweynaha uu rabo in dowladda oo dhan uu ka dhigo Dam-Jadiid balse waxaa uu la kulmayaa mucaaradad xooggan oo waxaana labo jeer la isku dayay in la khaarijiyo tan iyo markii uu xilka qabtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com