XOOSH JIBRIIL: Waxa madaxtooyada ka socda, dan uma ahan SOOMAALIDA

Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdiraxmaan Xoosh Jirbiil oo horey u soo noqday wasiirka dastuurka dowladii KMG ahayd isla markaana hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay qorshe ay wadaan madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka.

Isagoo ka qeybgalaayay barnaamijka Martida Makarafoonka ee ka baxa VOA-da ayaa laga wareystay muranka ku aadan maamul u sameenta gobala dalka iyo hirgalinta nidaamka federaalka.

Cabdiraxmaan Xoosho Jibriil ayaa marka hore sheegay in sidda ay wax u wado dowladda aaney ahayn wax sharci ah isla markaana uu horseed u yahay in lakala fogaado uun sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay in hiigsiga 2016-ka doorasho ka dhacdo dalka in aaney suura gal ahayn maadama wax yaabaha socday aaney muujineynin in la gaaro qorshahaas.

Xoosh Jibriil ayaa ka dhawaajiyay dowladda fedaraalka in laga rabay in ay dhisto guddiga hirgalinta nidaamka fedaraalka isla markaana ay billaabaan howshooda, laakin waxay arrintaas ka socon weysay ayuu yiri madaxtooyada Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo taageero waayay.

Wuxuu sheegay oo kale in laga soo billaabo maamulka Jubba, kii Koonfur galbeed iyo kan hadda muranka uu ka dhashay ee gobalada dhexe loo sameenaayo in dhammaan ay yihiin wax hareer marsan sharciga dalka.

Xoosh Jibriil ayaa xusay in wax yaabaha ka socda madaxtooyada Soomaaliya ay yihiin wax dan u ahayn Soomaalida isagoona intaas ku daray in guddoomiyaha baarlamaanka uu taageero waayay qorshe uu isaga soo diyaariyay oo ahaa in la sameeyo guddiga hanaanka fedaraalka.

Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay bal waxa uu xalka uu u arko.

Wuxuu ku baaqay in marka uu madaxweynaha ka soo laabto kulanka uu ka qeybgalaayo dalka Maraykanka in uu qabto shirweyne ballaaran oo laga qeybgalinaayo dhammaan maamulada ka dhisan dalka oo ay ku jirto Puntland, isla markaana laga qeybgaliyo aqoon yahano si looga hadlo masiirka Somaliweyn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com