Faroole: “Meel uu nin haysto haddaad ugu timaado xoolo ka qaadan meysid”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole, ayaa si sarbeeb ah weerar afka ah ugu qaaday madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Faroole oo war qoraal ah kasoo saaray munaasabadda xuska kowda August ee Puntland, ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii ay dowladda Somalia ku sameysay guddiga maamul u sameynta gobollada Galgaduud iyo Mududg.

Faroole waxa uu sheegay Puntland ay hormuud u tahay nidaamka federaaliga ah ee dalka, islamarkasa loo baahan yahay in laga digtoonaado wax uu ugu yeeray cid kasta oo wax u dhimi karta midnimadda iyo wadajirka goballada Puntland.

Puntland ayaa sheegata in gobolka Mudug uu ayada hoos tago, inkasta oo deegaan ahaan looga badan yahay.

Faroole ayaa shacabka usoo jeediyay inay iska ilaaliyaan wax uu ugu yeeray cadowga, ayna adkeystaan deeganadooda.

”Dad badan baa jira oo wax walaaqaya sidaasna kursiga laguma helo, qof meel uu fadhiyay adna aad timaadid xoolana ka heli maysid meesha waxaa imaanaysa in la is noco ha la iska ilaaliyo intaasi” Faroole ayaa yiri sidaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com