Fursada ay heysato DF Somalia marka XASAN SHEEKH uu la kulmo OBAMA

Washington DC (Caasimada Online)-Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horreysay toddobaadkan martigalineysa  shirweyne ay ka soo qeybgalayaan 50 hoggaamiye oo ka socda Afrika.

Hoggaamiyaashan ayaa waxaa la kulmi doona madaxweyne Obama, waxaana uu kala hadli doona arrimo badan oo ku saabsan qaarada.

Madaxweyne Obama oo Afrika tagay tan iyo markii uu xafiiska qabtay labo jeer ayaa sheegay in uu sanandkan 2014-ka qaban doono shirweyne ay ka soo qeybgalaan hoggaamiyaasha Afrika.
Shirkan waxa aan ka qeybgali doonin seddax madaxweyne oo kala ah, kan Sudan, Zimbabwe iyo Eretria waxaa loo arkay madaxdan kuwa ku xad gudbay xuquuqda aadanaha.

20130117-somaliaHaddaba madaxda ka qeybgalaysa shirka waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa.

Shirkan marka loo eego madaxda ka soo qeybgaleysa Soomaaliya ahmiyad gaar ah ayuu u lee yahay oo waayo markii ugu horreysay 23-sanno kaddib ayaa dowladda Maraykanka waxay aqoonsatay dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaa labada dal ay magacaabaan labo safiir oo u kala matali doona waddamadaooda.

Fursad ay heestaan madaxda Soomaalida?

Dad badan oo la socda arrimahan ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay heesato fursad ah in ay ka faa’ideysato shirkan oo ay la tago ajenta sax ah.

Cabdiraxmaan Ceynte waa madaxa Machadka Heritage ee magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay heysato fursad aad u weyn marka loo eego shirka ka dhacay magaalada Wanshinton.

Wuxuu sheegay in marar badan ay soo martay Soomaalida fursad balse aaney ka faa’ideesan balse loo baahan yahay fursadan in ay ka faa’ideestaan.

Wuxuu sheegay oo kale Ceynte in dowladda looga baahan yahay in shirka la tago qorshayaan cad-cad oo ku aadan sidda ay wax u rabto.

Shirkan oo socon doona afar cisho ayaa diirada lagu saari doonaa kobacaha dhaqaalaha qaarada, haliska sii kordheysa ee kooxaha argagixisada geeska Afrika iyo Nigeria iyo xoojinta xiriirka Maraykanka iyo Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan safiir cusub u magacowday magaalada Wanshinton waxaana dad badan ay lee yihiin in la filaayo dowladda in ay ka faa’ideesato shirkan.

Akhriste waxaan kuu ballan qaadeynaa in aad xilli kasta naga heli doontid wararkii ugu dambeeyay eek u saabsan shirka madaxweyne Obama  iyo hoggaamiyaasha Africa ay ku yeelanayaan Washington DC.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

Caasimada@live.com