Maxaa kala qabsaday Khaliif EREG iyo guddiga ammaanka BF Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay wasiirka ammaanka xukuumadda Soomaaliya, Khaliif Axmed Irig iyo guddiga ammaanka baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ka hadlay sidda wax looga qaban doono beegsiga lagu hayo xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid albaabada uu u xirnaa ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka ee baarlamaanka, Daahir Amiin Jeesow.

Wuxuu sheegay in wasiirka ay kala hadleen seddax qoddob kuwaasoo dhammaan wax yaabaha looga hadlay la isku afgartay sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay in wasiirka amniga uu uga xog waramay qorshayaal ay wado wasaaradda ammaanka iyo hey’addaha booliska iyo nabad sugida kuwaasoo looga gun lee yahay siddii lagu xaqiijin lahaa ammaanka Muqdisho.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in wasiirka uu tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay la soo qabtay dad iyo hub sharci darro ah kuwaasoo howllo ammaan darri ka waday magaalada.

Xildhibaanka waxaa kaloo uu xusay in wasiirka uu kala hadlay siddi wax looga qaban lahaa dilalka joogtada ah ee ka dhacay magaalada kuwaasoo loo geesanaayo xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dhammaan qoddobada looga hadlay kulan in la isku afgartay isla markaana guddigooda uu wadashaqeen dhow la lee yahay wasaaradda amniga maadama ay ay wakiil uga yihiin baarlamaanka.

Kulankan maanta dhexmaray wasiirka amniga iyo guddiga ammaanka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo xildhibaankii shanaad magaalada Muqdisho lagu dilay sannadkan oo kaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com