Muqdisho: HAWEEN meel isugu yimid oo la qarxiyey & dhimasho badan oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow soo gaaray Xafiiska shabakadani ayaa sheegaya in Qarax xoogan lala eegtay Haween Howlo nadaafadeed kawaday Xaafada Taleex ee Degmada Hodan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Haweenkaasi Miino loogu aasay Goob ay ka qaadayeen Shaqsinka, waxaana la soo sheegayaa in iminka halkaasi ay kusii qulqulayaan Saraakiisha Amaanka Degmada Hodan.

Warar horu dhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa ay ku dhinteen Seddex Haween ka tirsanaa kuwa Qashaninka qaadaayay, waxaana la tilmaamayaa in dhaawaca uu kor usii dhaafayo 9-Rux.

Waxaa hadda la maqlayaa Rasaas xoogan oo ay ridayaan Ciidamada halkaasi isku gadaamay Qaraxa kadib.

Saraakiisha Ammaanka Degmada iyo Maamulka Hodan weli kama aysan hadlin Qaraxa.

La soco wararkeena dambe wixii kusoo kordha qaraxa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com