Xasan Cali Khayre iyo Qoor Qoor oo hal arrin isku raacay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kulan gaar ah kula yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

Labada mas’uul oo uu kulankooda qaatay saacad badan ayaa iska xog wareystay xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Sidoo kale waxa ay si gaar ah diirada u saareen sidii xal waara looga gaari muranka ka taagan guddiyada doorashooyinka iyo hannaanka loo wajahayo, taasi oo ay sheegeen inay isku raaceen inay ka wada shaqeeyaan.

Khayre oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey madaxweyne Qoor Qoor dadaallada uu wado ee ku aadan xal ka gaarista arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoor Qoor iyo Khayre ayaa Garoowe u tegay ka qeyb-galka shirkii madasha aragta wadaagga ee lagu soo gaba-gabeeyey gudaha magaaladaasi.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah weli mid cakiran, waxaana meel fog kala joogo dowladda iyo mucaaradka oo isku hayo qabashada doorashada soo socota.