Xundubey oo xaqiijiyey in ninkii bastooladda ula baxay shacab dibad-baxayey uu ka tirsan yahay ciidanka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inuu ciidankeeda ka tirsan yahay nin toddobaadkii hore bastoolad ula baxay islamarkaana rasaaseeyey shacab Muqdisho ka dhigayey dibadbax ka dhan ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale, oo wareysi siiyey VOA ayaa xaqiijiyey in ninkaas uu ka tirsan yahay ciidamada booliska, islamarkaana uu ahaa ahaa dharcad.

Xundubey ayaa intaas ku daray in falkaas uu ahaa qalad dhacay, isla maalinkii ay dhacdadaas dhacdayna lasoo xiray ninka falkan ka dambeeyey, ayada oo uu hadda sugayo in la marsiiyo sharciga, sida uu hadalka u dhigay.

“Horta ogow ninka hadda aad ka warrameysaan islamarkii waa lasoo xiray, waa nin la yaqaan booliska ayuu ka tirsanaa, dharcad ayuuna xirnaa. Sharciga ayaa la marsiinayaa, sharcigana cid ka weyn ma lahan, qaladkana waa dhacayaa, cid kasta ayuu ka dhacayaa. Ninkaas waxaa laga qaatay go’aankii ku habboonaa,” ayuu yiri Xundubey.

Shacabka uu rasaaseeyey ninkan ayaa ahaa taageerayaasha xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna u badnaayeeen gabdho.

Dhinaca kale, Xundubey ayaa sheegay in dowladda aysan diidaneyn in dadka ay ra’yigooda cabiraan, balse ay doonayaan inay sugaan amniga, sababtuna ay tahay in dadka dibad-baxaya ay kusoo dhuuman karaan dad kale oo rabshado wada, sida uu hadalka u dhigay.

Hase yeeshee, waxaa taas beeninaya xaqiiqda ah in dowladda aysan marnaba beegsan shacabka dhigaya dibad-baxyada lagu taageerayo madaxweyne Farmaajo.