Xasan Cali Kheyre oo qoraal xasaasi ah ka soo saaray xiisadda NISA iyo HORMUUD

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal xasaasi ah ka soo saaray khilaafka ka dhex qarxay hey’adda NISA iyo shirkadda Hormuud, isagoo qormadiisa ku cadeeyey in Hormuud aysan u qalmin in loo adeegsado awooda ciidamada dowladda.

Kheyre ayaa sheegay in mudadii uu joogay xafiiska uu xog ogaal u ahaa sida Hormuud ay muhiim ugu tahay dalka, isla markaana ay tahay canshuur bixiye xaq u lahaa in la ilaaliyo badqabka ganacsiga iyo muwaadiniinta iska leh.

Sidoo kale, Kheyre ayaa NISA ku dhaliilay sida ay awoodeeda ugu adeegsatay inay xirto xarumihii shirkadda, taas oo sida uu sheegay ugub ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka Xasan Cali Kheyre:

Waxaan ka xumahay falalka ay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranku ku xirtay qaar ka mid ah xarumaha Shirkadda Hormuud Telecom.

Waa arrin ugub ku ah Dowladnimada Soomaaliya in ay hay’ad dowli ahi weerar toos ah iyo mid warbaahineed ku qaaddo Shirkad Soomaaliyeed, magaca Dowladdana lagu dhibaateeyo shirkad canshuur-bixiye ah, oo Hay’adda Nabadsugidda iyo dowladdaba waajib qaran ka saaran yahay ilaalinta amnigeeda.

Waxaan xogogaal u ahay kaalinta hoggaamineed ee Shirkadda Hormuud ka qaadatay horumarinta dhaqaalaha Dalka, samatabixinta ummadda, iyo dib-u-dhiska Dalka iyo dowladnimada Soomaaliya, oo aan si dhow uga soo wada shaqeynay muddadii aan ka mid ahaa hoggaanka Dalka.

Hormuud waa shirkad iyo hanti Soomaaliyeed, oo lafdhabar u ah dhaqaalaha Dalka, ayna waajib nagu tahay in aan wada ilaashanno. Dhibaatada soo gaarta Hormuud waxay wax u dhimaysaa dhaqaalaha dalka.  Waxaan sidaas daraadeed ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo furo xarumaha Shirkadda, Hay’adaha Dowladda iyo Shirkadduna u wada shaqeeyaan si waafaqsan shuruucda Dalka, oo ay ku dheehan tahay xilkasnimo, hufnaan, daacadnimo, iyo biseyl dowladnimo.