Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladad Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali iyo Madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulan aan loo kala kicin ku leh xarunta Madaxtooyada si loo gabagabeeyo loona dhameystiro liiska Golaha wasiirada cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo.
Wararka iska soo daba dhacay ayaa sheegaya in kala bedel magacyo wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dowleyaal ay dhaceen. C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegay in loo soo jeediyay in laga reebo liiska cusub ee Golaha wasiirada sida uu ku taliyay Faarax C/qaadir hase yeeshee waxa ku gacan seyray C/kariin oo ku adkeysay in jagadiisa loo daayo, arrintaas oo Shariif Xasan dhex galay markii danbe.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid aya la sheegay inuu ugu danbeyn u hogaansamay inuu yeelo sidii ay doonayeen madaxweynaha iyo saaxiibadiis, inkastoo uu xubno aan badneyn uu ku darsaday, waxaa la filayaa inay golaha wasiirada cusubi lasoo gabagabeeyo caawa liiskooda oo lagu dhawaaqi doono dhowaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa isagu fadhigiisa ku sugan oo aan qeyb ka ahayn arrintan, waxaana la sheegay in xubno loogu daray golaha wasiirada cusub. Sidoo kale Guddoomiya ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cawad isna laba xubnood loogu daray golaha wasiirada cusub.
Kulamada gabagabeynta liisk Golaha wasiirada ayaa ilaa caawa ka socda xarunta Madaxtooyada oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, halka mararka qaarkood uu ku wehlinayo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in kala bedel magacyo iyo xilal kala wareejin bilaabatay maanta gelinkii hore ay soo gaaray caawa fiidkii.
Isha: Goobjooge