Xasan iyo Abiy oo dhowaan kasoo wada muuqan doona…

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda caalamka ee ka qeyb-gali doonta shirka Qaramada Midoobay ee arrimaha deeganka oo shalay ka billowday Nairobi.

Waxaa shirkaan sidoo kale qeyb ka ah madaxda ku casuuman ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo labadii billood ee u dambeysay ay xiisad xooggan kala dhaxeysay Soomaaliya, kadib markii uu heshiis is-afgarad la saxiixday Muuse Biixi 1-dii Janaayo ee sanadkaan.

Sidoo kale, madaxweynayaal iyo in ka badan shan kun oo wakiilo ah oo ka kala socda dowladdo, bulshada rayidka ah iyo shirkaddo gaar ah ayaa ka qeyb-gali doona shirkan oo socon doona illaa 1-da bisha Maarso.

Waa shirkii lixaad ee arrimaha deegaanka ee Qaramada Midoobay, xilli isbadalka cimilada iyo wasakhowga hawadu ay sii dhaawacayan noolaha.

Shirkan ayaa maalintii shalay aheyd si rasmi ah u furmay laakiin madaxweyne Xasan Sheekh, Abiy iyo dhammaan madaxda sare ee caalamka ayaa la filaya inay yimaadan marka la gaaro heerka madaxweynayaasha.

Shirkan caalamiga ah ayaa ka dhacaya xarunta UNEP ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xasan iyo Abiy ayaa tan iyo markii ay xiisadda ka dhex qaraxday kasoo wada muuqday dhowr shir oo caalami ah, ayada oo ugu dambeeyay midkii ka dhacay Addis Ababa ee Midowga Afrika, hase yeeshe taasi waxba kama beddelin xiisadda labada dhinac oo xilligaan mareysa meeshii ugu sarreysay.

Soomaaliya ayaa sida muuqata dagaalka diblumaasiyadeed ee xiisadda taagan uga adkaatay Itoobiya, oo ayadu ku kacday xad-gudub bareer ah oo dhanka ah, wallow ay weli ku adkeysanayso heshiis beenaadkii Addis Ababa ee Itoobiya ku dooneyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.