Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, ayaa sheegaya in Habeenimadii xalay uu halkaasi kulan aan caadi aheyn ku dhexmaray Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid.
Ilo wareedka ayaa sheegaya in Labada Mas’uul ay kawada hadleen Arrimaha xukuumada cusub iyo caqabadaha ka heysta dhanka BF Somalia.
Labada Mas’uul oo kulankooda ku dheeraaday ayaa waxa ay aad u lafa gureen sida Xubnaha cusub ee wasiirada looga badbaadin lahaa Golaha shacabka Baarlamaanka oo iyagu u tafa-xeydanaaya is hortaaga ansixinta Wasiirada cusub.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa Madaxweynaha u sheegay in dhamaan Xildhibaanada mucaaradka ay abaabulmeen markii ay iska dhex waayen Golaha Wasiirada Xukuumada, waxa uuna Madaxweynaha ka codsaday inuu Casho khaas ah u sameeyo xildhibaanada ka hor inta aan Wasiirada la horgeyn BF.
R/W CCC ayaa aad uga walaacsan saameynta Xukuumadiisa cusub ay ku yeelan karto isbaheysiga Xildhibaanada oo iyagu wacad ku maray inaysan ansixin doonin Wasiirada cusub ee la filaayo in la horkeeno BF.
Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu R/W CCC ka aqbalay codsigii ahaa inuu la kulmo Xildhibaanada islamarkaana uu Casho khaas ah u sameeyo si uu uga codsado inay fududeeyaan ansixinta Wasiirada, waxaana Xassan looga fadhiyaa in gudaha asbuucaani uu kulamo kala duwan la qaato xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]