Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo kooxda Damu-Jadiid ayaa degay xeelad ay ku yeelanayaan inta badan golaha wasiirada cusub ee uu soo dhisayo Cumar Cabdirashiid, marka lagu dhowaaqo, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.
Siyaasiyiin arrintan la socda ayaa sheegaya in sida ay wax u wadaan Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay tahay mid uusan wax ka qaban karin Cumar Cabdirashiid.
“Waxa uu qorshahooda yahay in marka la magacaabo Cumar, aan la hor geyn baarlamanka, lana sugo inta uu kasoo dhisayo golaha wasiirada, markaasna xukuumadda oo isla socota mar qura la horgeeyo baarlamaanka” ayuu yiri siyaasiga la hadlay Caaismada Online oo codsaday inaan la magacaabin.
“Waxaa markaas wasiirada badankood keeni doona madaxweynaha, waayo inta aan la ansixin ka hor Cumar ma diidi karo rabitaanka Xasan iyo kooxdiisa, sababta oo ah haddii uu diido madaxweynaha wuu kalaaban karaa magacaabista” ayuu sii raaciyey.
Sida xogtan ay leedahay, qorshaha Damu-Jadiid ayaa ah mid ay ku xaqiijinayaan in wasiirada ugu muhiimsan xukuumadda cusub ay ayaga yeeshaan.
Wasiirada ay doonayaan kooxdan waxaa ka mid ah:- Dastuurka, arrimaha gudaha, arrimaha dibedda, amniga qaranka, maaliyadda, waxbarshada, macdanta iyo shidaalka iyo qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

