Xasan iyo Shariif oo diiday codsi ay Mursal iyo Muudey uga keeneen FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaw soo gaba-gaboobay kulan ay guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenkiisa koowaad la yeesheen Madaxweynayaashii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan  iyo ku-xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa galabta gaaray xarunta dhexe ee Madasha Xisbiyada Qaran si ay fariin ka socotay Madaxweyne Farmaajo u gaarsiiyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka.

Xildhibaan ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankaas uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii fariinta madaxweyne Farmaajo u soo dhiibay guddoonka ay noqotay inay u raacaan madaxtooyada, si madaxweyne Farmaajo ay ula kulmaan.

Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa ayaa labada Madaxweyne u sheegay in inta caawanimo uu dalbadan madaxweynuhu inuu la kulmo, sidaa darteed ay Villa Somalia u raacaan, balse ay ka caga jiideen, waxaana isaga soo tagay Mursal iyo Muudey.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa sababta ay u aqbali waayeen codsiga kulanka madaxweyne Farmaajo ku sheegay in horay ay ula kulmeen, balana ay kala qaateen, balse balankaas uusan waxaba ka fulin madaxweyne Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno xarunta Madasha Xisbiyada Qaran waxay sheegayaan in haatan Madaxweynayaashii hore ay shir gaar ah la leeyihiin xubnaha kale ee Madasha, kuwaas oo isugu jira xildhibaano ka tiersan labada Aqal ee baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale.

Kulanka oo haada socda ayey madaxweynayaashii hore warbixin ku aadan shirkii ay la qaateen guddoomka golaha shacabka ugu gudbinayaan xubnaha kale ee Madasha Xisbiyada Qaran.