Aqalka Sare oo soo saaray dalab adag oo u baahan in la fuliyo kahor 25-ka bishan kuna baaqay shir (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka Saree ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ay kulmaan ka hor 25-ka bisha, si ay uga wada hadlaan arrimaha doorashada dalka.

Qoraal kasoo baxay Aqalka Sare, oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare “uu garwaaqsaday in qabashada doorashooyinka heer federaal ay u baahan tahay in wada tashi deg deg ah ay isugu yimaadaan inta ka horeysa 25-ka Bisha Juun, 2020 dhammaan madaxda Qaranka oo ugu horreeyo Madaxweyne Farmaaajo, Xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in guddoomiye Cabdi Xaashi uu magacaabayo guddi uu isagu hoggaaminayo; guddigaas oo ka shaqeyn doona isu-keenista madaxda labada heer dowladeed iyo qabsoomidda shirka kor ku xusan.

Aqalka Sare ayaa ugu baaqay Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada in ay “u turaan shacabka Soomaaliyeed ee ay mudada dheer soo ragaadiyeen khilaafyada siyaasadeed iyo colaadaha daba-dhceraaday iyo in ay dedaal hagar la’aan ah ku bixiyaan ka miro-dhalinta hayaanka loogu jiro sidii loo gaari lahaa dowladnimo taabbagasha oo ku dhisan dimuquraadiyad wada-ogol ah.”

Qoraalka ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya lagala tashan doono hannaanka lagu geli doono Doorashooyinka Qaranka ee 2020/2021 si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo.

Waxa uu intaas ku daray in goobta uu wada-hadalku ka dhacayo lagala tashan doono dhinacyada ay khuseyso ee labada heer dowladeed.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameysitran