Mursal iyo Muudey oo kulan la leh Shariif iyo Xasan iyo fariin ay ka sidaan Farmaajo iyo Kheyre oo loo gudbiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo ku-xigeenka koowaad Cabdiweli Ibraahim Muudeey ay ku sugan yihiin xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ee Muqdisho.

Mursal iyo Muudey ayaa kulamo la leh madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo hoggaamiya Madasha, waxaana la sheegay in kulamadan ay la xiriiraan arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Sida aan xogta ku helnay, kulankan ayaa daba socda kii uu Mursal Axaddii la yeeshay labada madaxweyne, waxaana wararka ay sheegayaan in Mursal iyo Muudey ay farriin ka wadaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo la wadaagaya madaxweynayaashi hore.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa ay tahay farriintaas, hase yeeshee waxa la rumeysan yahay inay xiriirto doorashada dalka, loona badaniyo inay sidaan damaanad qaad ku saabsan in doorashada ay waqtigeeda ku dhici doonto.

Intii uu socday kulankii Axadda, ayaa Farmaajo iyo Kheyre waxay si kala gooni ah usoo waceen Mursal, isaga kadibna teleefonka ugu dhiibay Shariif iyo Xasan, halkaasi oo sheeko kooban iyo kaftan ay ku dhex-mareen.

Madaxweynayaashii hore ayaa kulankii hore waxay ku dalbadeen in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo, islamarkaana ka tashigeeda laga qeyb-geliyo mucaaradka, dowlad goboleedyada iyo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.

Kulanka kaddib ayaa la filayaa inay shir jaraa’id qabtaan Madaxweynayaashi hore, islamarkaana ay ku faah-faahiyaan waxa ay kala hadleen Mursal iyo Muudey.