DF oo xog cusub ka bixisay xiriirka Imaaraadka Carabta, arrimo badanna shaacisay

Muqdisho (Caasimada Online)– Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Talafashinka Al-Araby ee xaruntiisu tahay UK, wuxuuna ka hadlay arrimo dhawr ah oo khuseeya siyaasadda dibadda ee wadanka.

Wasiiirka wuxuu ka hadlay mowduucyo badan oo ay ka mid yahiin sida uu yahay xiriirka kala dhaxeeya wadanka Qatar, kan Imaaraadka, mowqifkii ay ka istaageen khilaafkii dowladaha Khaliijka iyo sidoo kale arinta Shirkadda Imaaraadka ee DP World.

Danjire Axmed Ciise wuxuu si adag ugu amaanay dowladda Qatar sida ay Soomaaliya u garab istaagtay isla markaana ay la leeyahiin xiriir wanaagsan.

“Sida la ogyahay Soomaaliya dhibaato muddo dheer ah ayey kasoo kabaneysaa, waxaan shacabka iyo dowladda Qatar uga mahad celineynaa kaalinta quruxda badan oo ay ka qaateen xalka Soomaaliya iyo sida ay noogu muujiyeen garab istaag,” ayuu wasiirka u sheegay Telefashinka Al-Araby.

Sidoo kale Wasiirka wuxuu carabka ku dhuftay in xiriirka kala dhaxeeya dowladda Imaaraadka uu yahay mid aad u hooseeya wakhtigaan, balse gadaal laga hagaajin karo.

Cawad wuxuu si adag uga hadlay arinta shirkadda DP World wuxuuna Imaaraadka ka codsaday iney soo faragaliyaan maadaama ay tahay shirkad gaar loo leeyahay.

Sidoo kale wuxuu wareysiga ku sheegay iney si cad ugu soo xad gudbeen midnimada Soomaaliya, walina aysan ka waantoobin faragalinta ay waddo.

“Ka wadan ahaan waan sabarnay, dulqaadka xad ayuu leeyahay, waxaanna diyaar u nahay sida dowladaha kale inaan difaacno dhulkeen” ayuu yiri wasiir Cawad.