Xog: Khilaaf ka dhex taagan guddoonka labada Aqal, kadib markii Cabdi Xaashi uu diiday qorshaha Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf xooggan ayaa ka dhex-taagan guddoonka Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare, kaasi oo salka ku haya qaabka loo soo gudbin doona warbixinta Guddiga wadajirka ah Labada Aqal ee loo xil saaray dhameystirka xeerarka doorashooyinka.

Arrinta la isku hayo ayaa ah in warbixinta mar qura la horkeeno labada Aqal oo wadajir ah iyo in kala gooni loo geeyo. Guddoonka Aqalka Sare ayaa doorb-daya kala gooni, halkan kan golaha Shacabka uu doonayo wadajir.

Sida ilo-wareedyo ay u sheegeen Caasimada Online, guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa doonaya in Aqalka Sare si gooni ah cod ugu qaadaan xeerka, isaga oo ka cabsi qaba in haddii lagu dhex-milo Aqalka Hoose ay lumi karto saameyntooda, maadaama aad looga tiro badan yahay.

Mursal ayaa isna dhankiisa ku doodaya in haddii warbixinta la hor-geeyo Aqalka Sare kadib Golaha Shacabka, uu halkaas ku lumi karo waqti badan, maadaama markii horeba ay dib uga dhaceen meel-marinta sharciga.

Mursal ayaa la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, oo ka cabsi qabta in Aqalka Sare caqabad ku noqdo qorshayaasha qaar, waxayna dooneeysa in lagu dhex-milo kan Golaha Shacabka, halkaas oo aad looga tiro badan yahay.

Waxaa xusid mudan in Cadbi Xaashi iyo Villa Somalia aanay isku wanaagsaneyn, iskuna aragti ka ahayn habka loo marayo doorashada dalka, sida aan ku xusnay warbixin hore oo aan arrintan ka qornay. Halkan ka aqriso.

Dhinaca kale, Guddiga joogtada ee baarlamaannka Soomaaliya ayaa kulamo ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa ajandayaasha muhiimka ah ee looga doodayo kulamada soo socda ee kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo uu Sabtidii furay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed CabduLlaahi Farmaajo.

Xubnaha guddiga joogtada ayaa si aayar ah uga baaran dagaya ajandayaashaasi, maadaama uu yahay kalfadhigii ugu dambeeyey ee baarlamaanka 10-aad ee dalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in 27-da –bishan June xildhibaanada labada gole uu hortago guddiga madax banaan ee  doorashooyinka qaranka, si looga dhageysto warbixintooda ku aadan doorashada 2020-2021 iyo nooca ay tahay in la qabto, si markale looga doodo.