Beesha REER WARFAA oo saluugtay saami-qeybsiga siyaasadeed ee BEELAHA Faarax, Saleebaan, H/Gidir

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Reer Warfaa, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay si weyn u saluugsan tahay saami qeybsiga siyaasadeed ee beelaha Faarax, Saleebaan, Habargidir.

Qoraalka beesha, oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, hoos ka aqriso.

Beesha Reer Warfaa waxay ka cabanaysaa saami qaybsiga siyaasadeed ee Beelaha Farax (Saleebaan, Habargidir). Waxa dhacday laga soo bilaabo dawladii dib ukabashada ee uu Hogaaminayay Madaxweyne Cabdiqaasim salaad, 2000, ilaa iyo dawlada maanta ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in aanay waxba ka helin saami qaybsiga siyaasadeed ee ay xaqa ulahayd, iyadoo labarbardhigayo Beelaha kale Walaalahood ee Farax xilalkey ka heleen ilaa hada. Waxayna ku cadahay shaxda hoos ku lifaaqan sida xilalka lookala qaybsaday ilaa maanta.

Warfaa waa Beel kamida Beesha SALEEBAAN, HABARGADIR, kanamida Beelaha ugu deegaanka balaaran, Beesha WARFAA waxay degtaa laga soo bilaabo Qosol Tire oo bada ah ilaa Dacdheer oo Etoobiya ah. Waana Culimadii iyo Macalimiintii Saleebaan ee xaga DIINTA. Waxaana kamida dadka saamaynta kulahaa Caaqil Cabdi Afrax oo qayb libaax ka qaatay Hogaana u ahaa ka hortega duulaanki  looga ee hortagayay Talyaniga iyo xulafadiisa ee Hobyo wakhtigii gumaysiga.

Dhinaca DIINTA waxay Beeshu hormood ka ahayd fidinta diinta islaamka, ayna ka aflexeen kumanaan Culimo iyo Aqoonyahano ahí, maanta ay ku faanaan Beesha Reer Xaaji SALEEBAAN. Culima hormood ka ahayd fidinta diinta islaamka waxaan tusaale uso qaadan karna, sida Macalin Nuur Cilmi Cawaale, Macalin Daauud sheikh Cumar Rooble iyo Sheeikh Ahmed Cali Qayre.

Xaga Ciidamada waxay Beeshu ka midahayd Beelaha SALEEBAANKA ugu Saraakiisha badan beri samaadkii, waxaana Saraakiisha ka mid ahaa Gashaanle Sare Axmadey Khasaaro oo wax ka hogaaminayay dagaalkii 1977 ee lugula dagaalamay Etoobiya.

Beesha Reer Warfaa waxay ixtiraamaysaa in wax lawada leeyahay, intaana tanaasulaysay, Maantana waxay diyaar u tahay in ay xisaabtanto oo qaadato saamigeeda siyaasadeed, taas oo aysan cidna u daba joogsanayn, maadama ay soo samirtay wakhti dheer si loo helo Qaran Soomaaliyeed.