Xasan iyo Shariif oo qoraal kasoo saaray Senator ku geeriyooday Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war saxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay geerida naxtinta leh ee ku timid Allaha u naxariisteen Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga, isaga oo tacsi u diray  qoyska, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in marxuumku uu door wanaagsan ka soo qaatay dowlad-dhiska iyo siyaasadda dalka, isagoo si hagar la’aan ah ugu adeegay shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale ku suntanaa Soomaalinimo iyo midnimo.

Sidoo kale waxa Alle uga baryay Marxuumka in uu naxariistiisa Janno ku mannaysto, qoyskii iyo ehelkii uu ka baxayna ka siiyo samir iyo iimaan.

Dhankiisa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna ka tacsiyeeyay geerida Senetorka, isaga oo Alle uga baryay Jannadii Firdowso.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehellada, Gollayaasha dowladda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee, Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ka mid ahaa Aqalka Sare” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Marxuum Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamul goboleedka Puntland iyo  wasiirka maaliyadda ee maamulkaasi.

Waxaa kale oo uu soo noqday guddoomiyihii KMG ah ee Golaha Aqalka, isaga oo hoggaamiyay golaha, kahor inta aan lasoo dooran guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, maadaama uu ahaa Senatorka ugu da’da weynaa xubnaha Golaha Aqalka Sare