Xasan Kheyre oo sii wada xadgudubkii Xasan Sheekh ee beesha Galmaax

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Galmaax Yoonis oo ka mid ah beelaha ugu tirada badan una hanti badan gobolka Banaadir laguna tixgeliyo deegaan ahaan ayaa dowladihii ugu danbeeyay ka tirsaneysay caddaalad daro iyo in xaqeedii la duudsiiyay ayaa weli meeshiidii kasii socda, iyadoo beesha ay ku hanweyneyd in dowladda cusub ay muujin doonto tixgelintii ay laheyd beeshaan.

Dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa xaquuqdii beeshaani laheyd ka hor istaagay, iyadoo aan wax tixgelin ah laga siin hannaanka dowladnimada dalka, waxayna beeshaani aheyd mid bannaanka ka istaagsaneyd maamulka hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Beesha Galmaax Yoonis oo ka mid ah beelaha ugu waxtarka iyo wax soo saarka badan gobolka Banaadir iyo labada shabeelle ayaa hadda xilalkii ay ka sugayeen dowladda cusub u muuqda in shaqsiyaad gacan saar la leh ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay afduubteen, una weeciyay shaqsiyaad ay saaxiibo dhow yihiin si ay ugu manaafacaan.

Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo gacan bidxeeynaayo maamulka xafiiska ra’iisul wasaaraha Kheyre isagoo adeegsanaayo awood beeleed ayaa wuxuu hor istaagay in beesha Galmaax ka dhex muuqato xukuumadda cusub, wuxuuna shaqsi uu watay oo saaxiib dhow la ah uu ku magacaabay wasiirka kaliya ee beesha Abgaal kusoo aaday, kaasoo uu magaciisa ku qoray Eng. C/raxmaan Yariisow oo saaxiib ay iskala shaqeynayeen arrimaha urur magaciisa loo dhigay ka wacyi gelinte argaxisada.

Waxaa yaab leh in xuquuqda beel gaar ah loogu tanto raali gelinta shaqsi gaar ah, taasina ay raali ka yihiin madaxda dowladda Soomaaliya. Tani waxa ay mucaarado usii kordhin doontaa un dowladda cusub oo sidii la moodayey aan noqon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com